100.The Chargers

  1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha neefsada (fardaha) iyagoo qeyliyaya
  2. Haddana kuwaa dabka kiciya
  3. Haddana kuwaa qaada duullaanka subaxa hore
  4. Markaas boorka kiciya
  5. Markaa dhaqso bartanka ugu gala kulanka (cadowga)
  6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi
  7. Oo hubaal isaga baa taasi ka markhaati ah
  8. Oo hubaal Waa ku daran yahay Jeclaanta maalka
  9. Ma wuusan haddaba ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo
  10. Oo waxa ku jira laabaha la caddeeyo
  11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal si dhan iyaga