104.The Traducer

  1. Hoog waxaa leh dure kasta, wax ceebeeya
  2. Kaasoo maal jamciya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay)
  3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin
  4. Mayee! Waxaa hubaal lagu tuuri burburisada
  5. Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay burburisadu tahay
  6. Waa Naar Ilaahay oo la huriyey
  7. Oo kor ugu baxda quluubta dushooda
  8. Hubaal waxaa lagaga xidhi dusha korkooda
  9. Tiirar la taagay dhexdood