95.The Fig

  1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka
  2. Iyo Buurta Siinaay
  3. Iyo magaaladan Aaminka ah (Makkah)
  4. Xaqiiq Waxaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan
  5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya
  6. Marka laga reebo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala, waxay mudan doonaan jar aan weligi go’ynin
  7. Ee yaa haddaba kara inuu kugu beeniyo arrinka abaal marinta
  8. Sow ma aha Allaah Kan u wanaagsan inta wax xukunta