96.The Clot

  1. Ku akhri Magaca Rabbigaa, ee abuuray
  2. Wuxuu ka abuuray aadmiga xinjir
  3. Akhri! Oo Rabbigaa waa Sharaf Badnaha
  4. Ee baray sida wax loogu qoro qalinka
  5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon
  6. Mayee! Aadmigu xaqiiq wuu xadgudbaa
  7. Inuu isu arko mid deeqtoon darteed
  8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku
  9. Ma waad aragtay midka isaga ka reeba
  10. Addoon markuu tukado
  11. Bal ka warran haddii uu ku sugan yahay jid toosan
  12. Amaba uu amro xume ka dhowrsiga
  13. Bal ka warran haddii uu kaasina beeniyo Xaqa, oo dhabarka u jeediyo
  14. Mawuusan ogeyn in Allaah arko
  15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban doonnaa foodda
  16. Food beenley ah oo gefley ah
  17. Markaa ha u yeedho golihiisa
  18. Waxaan innaguna u yeereynaa malaa’ig daran
  19. Mayee, Ha adeecin isaga, oo sujuud, oo u dhowow (Allaah)